Dunida maanta, internet-ku wuxuu noqday meel muhiim oo lagu wadaago aqoonta. Waxana kor loogu qaada ganacsiyada iyo hal-abuurka qofka. Website-ku waa mid ka mid ah qalabka ugu awoodda badan ee uu iska leeyahay qof, shirkad ama hay’ad sidey gaarto dad badan. Horumarka tiknoolajiyada awgeed, samaynta website. Ma aha hawl ku kooban khubarada barnaamij-samaynta oo keliya. Balse qof kasta ayaa maanta samaysan kara website isaga oo adeegsanaya qalab fudud oo caasriya.
Haddii aad rabto inaad samaysato blog, website ganacsi ama dukaan online ah mise portfolio shaqsiyaad. Waxaad ku dhisi kartaa adigoo raacaya tallaabooyin fudud. Maqaalkan wuxuu ku bari doonaa habka saxda ah ee loo abuuro website. Laga bilaabo doorashada domain-ka iyo hosting-ka ilaa Daabacaadda magaalada iyo website u diyaar ah booqdayaasha.
Waa Maxay Website ?
Website waa ururin bogagga internet oo lagu kaydiyo server isla markaana lagu booqdo magaca domain-ka. Website-ku wuxuu dadka u oggolaanaya inay helaan macluumaad mise adeegyo ama alaabo iyo inay la xiriiraan milkiilaha website-ka.
Website-yada waxaa loo isticmaalaa:
- Blog-yada
- Ganacsiyada
- Dugsiyada iyo jaamacadaha
- Hay'adaha
- Dukaamada online-ka
- Portfolio-ga shaqsiyaadka
Go'aaminta Ujeeddada Website-ka
Ka hor intaadan bilaabin si cad u qeex ujeeddada website-kaaga aad kale dhahay.
Is weydii :
- Maxaan u samaynayaa website-ka?
- Side loo sameeyaa website?
- Yaa so booqanaya?
- Maxay rabaan inay ka helaan website-ka?
Marka aad leedahay ujeeddo cad, way kuu fudud aanay saa inaad doorataa naqshada iyo nuxurka iyo adeegyada website-ka.
Dooro Domain Name soo jiidashada leh
Domain name waa cinwaanka website-kaaga sida:
- yourwebsite.com
- myblog.net
Dooro domain kuu gaar ah :
- Gaaban oo fudud
- Si sahlan loo xasuusan karo
- La xiriira mowduuca website-ka
- Ka fog magacyo adag ama dhaadheer
Dooro Web Hosting fycn
Web hosting waa adeegga lagu kaydiyo dhammaan faylasha website-ka si ay dadka ugu heli karaan Google ama internet-ka.
Hosting wanaagsan waa inuu leeyahay sida :
- Xawaare sare
- Amni adag
- Taageero farsamo oo wanaagsan
- Uptime sare
Ku dhis WordPress
WordPress waa nidaamka ugu caansan ee lagu dhiso website-yada.
Raac tillaabooyinka :
- Gal Control Panel-ka hosting-ka.
- Fur WordPress Installer.
- Dooro domain-ka.
- Samee magaca isticmaalaha iyo password adag.
- Guji Install.
Kadib marka sameyso dhammaantood waxaad geli kartaa maamulka website-ka adigoo booqanaya:
yourdomain.com/wp-admin
Dooro Theme ama template
Theme-ku wuxuu go'aamiyaa muuqaalka iyo qaabka website-kaaga noqonayo.
Dooro theme:
- Degdeg u shaqeeya
- Mobile-friendly
- SEO-friendly
- Si fudud loo habayn karo
Rakib Plugins Muhiim Ah
Plugins waxay ku daraan shaqooyin dheeraad ah website-ka.
Kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:
- SEO Plugin
- Security Plugin
- Backup Plugin
- Cache Plugin
- Contact Form Plugin
Ha samayn plugins badan waxaa loo baahnayn sababtoo ah waxay gaabin karaan website-ka.
Samee Bogagga Muhiimka Ah
Website kasta waa inuu yeeshaa 5 bogagga ee ugu muhiimsan websiteka sida :
- Home
- About Us
- Contact Us
- Privacy Policy
- Terms and Conditions
Bogagga waxay kordhiyaa kalsoonida booqdayaasha iyo sidoo kaleba waxay muhiim u yihiin Google AdSense inoo kusoo aqbalo.
Daabac Maqaallo Tayo saro Leh
Nuxurka (Content) waa qaybta ugu muhiimsan ee website-ka.
Markaad maqaal qorayso:
- Isticmaal cinwaan cad.
- Bixi xog sax ah oo faa'iido leh.
- U qaybi maqaalka qaybo qaybo.
- Ku dar sawir tayo sare leh.
- Hubi inuu yahay qoraal asal ah oo copy ah.
Hagaaji SEO-ga
SEO wuxuu ka caawiyaa website-ka inuu ka muuqdo Google kuwa ugu horaya.
Waxyaabaha muhiimka ah:
- Dooro keyword sax ah.
- Qor cinwaan soo jiidasho leh.
- Samee meta description.
- Isticmaal URL gaaban.
- Isku xidh maqaallada website-ka.
Ilaali Amniga Website-ka
Si aad u ilaaliso website-ka amnigiisa raac tilmaamahan :
- Isticmaal password adag.
- Daar HTTPS (SSL).
- Samee backup joogto ah.
- Cusboonaysiin WordPress ama themes iyo plugins.
- Ka fogow plugins aan la hubin.
Khaladaad ka Laga Fogaado
- Doorashada hosting aan tayo sare lahayn.
- Qorista maqaallo la koobiyey.
- Isticmaalka sawir aan ruqsad lahayn.
- Rakibidda plugins aad u badan.
- Dayacaadda amniga iyo cusboonaysiinta.
Talooyin Lagu horumarinayo Website-ka
- Daabac maqaallo cusub si joogto ah.
- Hagaaji xawaaraha website-ka.
- La wadaag maqaalada baraha bulshada.
- Ka jawaab faallo iyo ka booqdayaasha.
- La soco tirada booqdayaasha iyo bogagga ugu caansan.
Gunaanad
Dhisidda website waa fikrad aad muhiim ah inaad la wadaagto aqoon taada ganacsiga ama aad kasbatey dakhli online ah. Markaad doorato domain iyo hosting wanaagsan. Kuu same WordPress oo qor maqaal nuxur tayo sare leh. Oo si joogto ah u hagaajiso SEO-ga iyo amniga. waxaad dhisi kartaa website xirfad leh oo guul gaara sid darteed waxa fycn soo gudbi.

0 Comments